Wasiir BAYLE oo waayey kursigiisii Golaha Shacabka + sababta

Bulsha:- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta waayey kursigii uu sanadaha ku fadhiyey ee HOP201, waxaana loo doortay xildhibaan cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay kursigan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada SEIT ee Somaliland.

Wasiir Bayle oo arrintan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay markale inuu u tartamo kursigiisa, wuxuuna sababta ku sheegay inay is-taabanayaan kursiga iyo maaliyadda oo uu haatan mas’uulka yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Ma caddeyn sida ay hadda isku saameyn karaan kursiga iyo maamulka maaliyadda, maadaama afartii sano ee lasoo dhaafay uu isku ahaa xildhibaan iyo wasiir maaliyadeed.

“Si baa waxaan u arkay kursigeyga iyo maaliyadda inay isku taabanayaan. Aniga waxaa maqsuud ku ahay maaliyadda iyo arrimaheeda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bayle

Wasiirka maaliyadda oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in muddada uu xilka hayey uu waqti fara badan geliyey horumarka dhaqaalaha dalka, uuna u maamulay si waafaqsan sharciga.

“Haddii aan ka hadlo miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka ayaan u joogaa inaan u maamulo si sharciga waafaqsan oo adduunku ogyahay,” ayuu sii raaciyey.

Kursiga HOP201 ee uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Bayle ayaa ka mid ahaa kuraasta sida aadka ah la’isugu hayey maalmihii lasoo dhaafay, basle waxaa ugu dambeyn loo doortay Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ah agaasimaha Machadka Raas, isla-markaana haatan xiriir la leh Villa Somalia, wuxuuna sidoo kale ka mid yahay siyaasiyiinta taabacsan Mahdi Guuleed.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment