Haweeney markii ugu horeesay Garsoore Maxkamadda sare ka noqotay dal Muslim ah

Bulsha:- Caa’isha Mailk oo 55 jir ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay oo muslim ah oo garsoore ka noqota maxkamadda ugu sareysa  dalka Pakistan, waxaana sheekada  haweeneydan si weyn u hadal heysa warbaahinta caalamka.

Haweeneydan ayaa ku biireysa 16-garsoore kale oo dhammaantood rag ah, waxaana Caa’isha Mailk noqoneysaa haweeneydii ugu horeesay oo loo dhaariyo in garsoore ka noqoto maxkamadda sare ee dalka Pakistan.

Qareenada u dooda arrimaha bulshada ayaa sheegay in dadaalkooda socday mudo ka badan 10-sano uu guul kusoo dhamaaday, waxa ayna sheegeen in guul taariikhi ah in haweeney kamid noqoto garsoorayaasha maxkamada ugu sareysa Pakistan.


Dadka kunool dalka Pakistan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay haweneydan kamid noqotay garsoorayaasha maxkamadda sare ee dalka Pakistan, waxaana dadka qaar soo dhaweeyeen tallaabadan halka kuwa kalana ay dhaliileen .


Garsoore Malik, ayaa cilmiga sharciga ku baratay gudaha dalkeeda Pakistan iyo jaamacadda Harvard,ee dalka Mareykanka, waxaana labaatankii sano ee u dambeeyay ay ka shaqeynaysay maxkamadda sare ee Lahore ee bariga Pakistan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment