DAAWO: Puntland oo Gaalkacyo mar kale ka bilowday Maxkamadeynta Al-Shabaab

Bulsha:- Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Puntland ee gobalka Mudug iyo Cayn ayaa bilaabaysa maalmaha soo socda dhageysiga gal-dacwadeedka 6 eedeysane oo loo heysto kamid ahaanshaha kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Eedeysanayaasha oo u badan dhalinyaro yar yar, ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda ciidammada Puntland, balse waalidiintood ayaa dalbaday in dib loo dhigo dhageysiga, si ay u qabsadaan qareeno.

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ayaa aqbashay codsiga waalidiinta, iyadoo dib u dhigtay gal-dacwadeedka maxaabiistan, muddo labo berri ah, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada qalabka sida ee Puntland ee gobalada Mudug iyo Cayn, G/Dhexe Cabdiraxmaan Warsame Jaamac.

G/Dhexe Cabdiraxmaan Warsame Jaamac ayaa sheegay in dhageysiga kiiska 6 eedeysane si rasmi ah loo bilaabayo 27, bishan Janaayo, isagoo intaas ku daray in Maxkamadda sidoo kale la horkeeni doono eedeysanayaal kale oo lala xariirinayo kooxda Al-Shabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment