Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

Bulsha:- Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheeysan ku gaaray Tuulooyinka Xawaadleey, iyo Jameeco oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shababa.

Saraakiil katirsan Ciidanka DANAB ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 10 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen Maxkamad ay lahaayeen sida uu sheegay Taliyaha Ururka 7-aad Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure) wuxuuna tilmaamay in howlgalka uu sii socdo.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay weerarka ku qaadeen tuulooyinka Xawaadkeey iyo Jameeco, isla markaana dagaal in ka badan laba saacadood socday uu halkaasi ka dhacay.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa tuulooyinka Xawaadkeey iyo Jameeco waxaa ku sugnaa dsgaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo mararka qaar ay weerar ku qaadayay degaanka Qalimoow oo ay ku sugan yihiin oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment