Sawirro: Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ka dagay Jigjiga + Ujeedka

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray gudaha magaalada Jigjiga ree xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cagjar ayaa Abiy Axmed iyo mas’uuliyiinta kale ee la socota uga hortegay garoonka Jigjiga, kadibna waxaa loo sii galbiyey xarunta madaxtooyada ee is-maamulka, halkaas oo ay ku qaateen kulan gaar ah.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya ee Jigjiga la xiriira wax ka qabashada xaaladaha abaaraha ee ka jira dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Abiy, Cajgar iyo madaxda kale ee qaybta ka ah socdaalkan ayaa sidoo kale kormeeri doono deegaanada qaar ee ay sida daran u saameeyeen abaaraha ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa inta uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya joogo Jigjiga inuu kulamo ka bilaabay magaaladaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa daba socota baaq uu dhowaan dowladda u diray madaxweyne Mustafe Cagjar, kaas oo la xiriira in dowladda ay gacan ka siiyo abaaraha.

Gobollo badan oo hoostaga is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey laga soo warinayey xaalado nololeed, kadib markii ay saameysay abaartu.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment