Milatariga Burkina Faso oo afgambiyay xukuumadii uu hogaaminayay Roch Kabore

Bulsha:- Milateriga Burkina Faso ayaa sheegay in ay la wareegeen awoodda dalkaasi, ayna afgambiyeen Madaxweyne Roch KaborĂ©.

Warkan oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa waxaa ka hadlay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, wuxuuna sheegay in Xukuumadda iyo Baarlamaankaba la kala diray.

Ma cadda halka uu ku sugan yahay Mr Kaboré, balse sarkaalka ayaa sheegay in dhammaan dadka la xiray ay ku sugnaayeen meel ammaan ah.

Afgambigan ayaa imaanaya maalin kadib markii ciidamada ay la wareegeen dhufeysyo rasaasna laga maqlay caasimadda.

Mar sii horeysay, xisbiga talada haya ee PMP ayaa sheegay in Mr Kaboré iyo wasiir ka tirsan dowladda ay labaduba ka badbaaday isku day dil.

Axadii, ciidamada gadoodsan ayaa dalbaday in la eryo taliyayaasha militariga iyo dhaqaale dheeri ah si ay ula dagaalamaan mintidiinta Islaamiga ah.

Warka ka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in xaalada amni ee sii xumaaneysa iyo in Mr Kabore uu awoodi waayay mideynta qaranka inay sabab u tahay in la afgambiyo, sida ay ku warantay wakaalada wararka AFP.

Bayaanka ayaa lagu soo saaray magaca koox aan horay loo maqal, Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Badbaadada iyo Soo celinta ama “MPSR”.


“MPSR, oo ay ku jiraan dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada, ayaa go’aansaday in ay soo afjaraan xilka madaxweyne Kabore maanta,” ayaa lagu yiri.
Burkina Faso ayaa ku biirtay dalal dhowr ah oo ka tirsan gobolka kuwaas oo hadda ku jira xukun militari.

Dalka deriska la ah ee Mali, Colonel Assimi Goita waxa uu afgambiyay madaxweynihii la doortay ee Ibrahim Boubacar Keita Ogosto 2020. Kaddib waxa uu xukunka ka tuuray maamul rayid ah bishii May ee sannadkii hore afgambi labaad.

Ciidamada Guinea ayaa sidoo kale xukunka ka tuuray madaxweynihii la doortay ee Alpha Conde bishii Sebtembar 2021.

Chad waxaa sidoo kale maamula dowlad militari ah oo uu hogaamiyo Mahamat Idriss Deby Itno, oo ah jeneraal ciidan oo xukunka la wareegay bishii April ee sanadkii hore ka dib markii aabihiis hogaamiyihii hore ee gobolka Saaxil lagu dilay dagaal.

Ciidamada afgambiga sameeyay ayaa ku sababeeyay falkooda iyagoo farta ku fiiqay habacsanaanta qotoda dheer ee maamuladii ay afgembiyeen.

Dalka Guinea, Conde ayaa xilka laga xayuubiyay ka dib bilo uu caro abuurayay, oo ay ku jiraan mudaaharaadyo dad ku dhinteen, oo looga soo horjeedo xukunkiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment