Daacshi oo Xirtay Qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha Maanta xiran

Bulsha:- Wararka laga helayo Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay, in qaybaha xiran saaka ay ugu muhiim sanyihiin qeybaha lagu iibiyo qalabka dhismaha, waxaaana maalmihii la soo dhaafay soo baxayay wararka sheegaya in Kooxda Daacish ay lacago weeydiisatay qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa.

Ganacsatada qaarkood ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo, taas oo culeys ku noqotay Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga.

Ganacsatada ayaa horey u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaada ganacsatada, welina laamaha Amniga Soomaaliya kama hadlin tallaabadaan ay Maanta ku xiran yihiin qeybo kamie au Ganacsiga Suuqa Bakaaraha.














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment