Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo la dilay (Faah-faahin)

Bulsha:- Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo kamid ah saraakiisha ciidanka Somaliland ayaa waxaa maanta lagu dilay deegaanka Goroyo Cawl ee degmada Boorama ee gobolka Awdal.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Dalmar uu dilay mid kamid ah Askarta uu taliyaha u ahaa, ayada oo illaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay in uu rasaasta ku furo.

Askariga dilka geystay oo isku dayay in uu xarunta ka baxsado ayaa waxaa qabtay ciidamada uu ka tirsanaa, kuwaasi oo u gacan geliyay hay’adaha ammaanka, gaar ahaan waaxda qaabilsan baarista dambiyada.

Waxaa durtaba billaabatay baaritaanka dilkaan, si loo ogaado sababta keentay in uu askarigaan toogto taliyihiisa AHUN Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dilka kadib waxaa deegaanka Goroyo Cawl gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland, kuwaasi oo wareysi gooni-gooni ah la yeeshay ciidamada ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay, si ay u ogaadaan macluumaad ku aadan dhacdadaan.


Sarkaalka la dilay ayaa ka mid ahaa Dhallinyarada Somaliland ee dalka Ethiopia tababarka ku soo qaatay, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa saraakiil uu sannadkii hore dalacsiiyay madaxweynaha Somaliland.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment