Wararkii ugu dambeeyey safarka ROOBLE ee dalka Imaaraadka Carabta

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee caasimadda waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Imaaraadka Carabta isaga oo saacadaha soo socda ka duuli doono Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa ee dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib usoo nooleynta xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Somalia & Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaadi doonaa arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu Imaaraadka doonaya inuu galaangal xoogan ku yeesho, si uu fursad ugu helo dhismaha dowladda cusub.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo garab weyn ka helaya dowladda Qatar.

Arrimahan oo dil ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.


Si kastaba, Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment