Maxkamad dil ku xukuntay 51 qof oo loo heysto dilka dad u dhashay Maraykanka & UK

Bulsha:- Maxkamad ku taalla dalka Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa shalay dil ku xakuntay, 51 qof qof.

Dadkan ayaa lala xiriirinayaa dilka khubaro u shaqeynayay Qaramada Midoobay oo la dilay sannadki 2017-kii.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka ayaa ka mid ah dadka lagu xakumay dilka, halka nin korneel ah oo ka mid ah millatariga lagu xakumay 10 sano oo xarig ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dilka lagu xakumay ayuu xakunka ku dhacay iyaga oo maqan.

Dhammaantood ayaa waxaa loo heystaa dilka Zaida Catalan oo u dhalatay Sweden iyo Michael Sharp oo Mareykan ahaa, kuwaasoo la khaarijiyay xilli ay ku guda jireen baaritaan la xiriiray dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo malleeshiyo hubeysan oo ka dagaallanta gobolka dhexe ee Kasai.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment