Taliska Ciidanka xoogga oo faah faahiyay howlgallada ka socda Hiiraan & Sh/Dhexe

Bulsha:- Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamuud Calasow (Tareedisho) ayaa sheegay in howlgallada oo ah kuwo Amniga lagu xaqiijinayo ay ka socdaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Beledweyne wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka oo kaashanay kuwa macawuusleey ah ay howlgallo ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalada Beledweyne iyo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo sidoo kale wadada u dhaxeeysa Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa uu taliyaha hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowladda ay sameeyeen ay Al-Shabaab kala wareegeen degaannada, Mukay Dheere, Shanloow iyo Dhagaxoow oo hoostaga degmada Balcad, isla markaana Al-Shabaab ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada qeybta 27aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hadana Wararka Risaala ay heshay ay sheegayaan in Al-Shabaab ay gubeen guryo kuyaalla tuulooyinka Mukay Dheere iyo Mareereey, halkaas oo dadkii deganaa ay isaga barakaceen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment