Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda militari ee ka taagan xuduudda Ruushka iyo Ukraine

Bulsha:-  Ruushka ayaa Talaadadi ciidamo dheeraad ah u diray xadka Belarus, kuwaas oo ay khubarada millatariga reer Galbeedka ku sheegeen inay u muuqato diyaar-garowga duullaan ay suurtagal tahay in Ruushku ku qaado Ukraine.

Iyada oo ay xiisaddu cirka isku sii shareereyso, ayuu Mareykanka ka digay in Ruushka uu xilli walba weerari karo dalka deriska la ah ee Ukraine, halka Britain ay ay u dirtay Ukraine qeyb ka mid ah hubka lidka taangiyada.

Wasiirka Arrimaha Difaaca Ruushka Alexander Fomin ayaa sheegay in ciidamada Ruushka iyo kuwa Belarus ay si wada jir ah u sameyn doonaan dhoollatus millatari oo uu ku sheegay mid jawaab u ah khatar dhinaca gudaha ah.

Saraakiisha Ukrain ayaa iyaguna ka digay in Ruushka ay kasoo weerari karto dhowr jiho oo ay ku jirto Belarus.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment