Wasiir katirsan XFS Oo Afka furtay kana digay Shirqool doorashada ah uu bilaabay Siciid Deni

Bulsha:- Buuq siyaasadeed oo kusaabsan xad gudub doorashada heshiiskii la galay ah ayaa laga soo wariyey Garowe halkaas oo ka mid ah meelaha uu yaallo kuraasta doorashada Golaha Shacabka.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa isagoo kusugan garowe baraha bulshada uu ka isticmaalo internet-ka ku faaafiyey qoraal isku mid ah.

Nuqul ka mid ah qoraaladaas gaar ahaan mid uu ku daabacay Twitter-kiisa ayuu Wasiir Duraan aad ucambaareeyey ficilo Siciid deni isticmaalay oo ah in doorashada la isku dayayo inuu boobo.

Inkastoo Wasiir Duraan sheegay in saxaafada uu faah faahin badan siin doono sida wax loo maamulay ayaa hadana warkiisa laga fahmi karay inuu ka xun yahay waxa dhacay.


Kursiga uu hadda ka qeylo dhaaminayo Wasiir Duraan waxaa ku fadhiya Hop#166 Xildhibaan Sidiiq Xersi Warfaa waxaana kursigaasi Siciid Deni uu siiyey Murashax Xildhibaan oo lagu magacaabo Axmed Taajir Beesha Leelkase ah.


Lama oga jawaabta guddiga doorashada heer Dawlad Gobolleed SEIT Ee Puntland ka bixin doonaan cabashada Wasiir Duraan Kursiga uu calaamadeeyey ee buuqa ka jiro.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment