UK oo mowqif kasoo saartay aqoonsiga SOMALILAND kadib dooddii baarlamanka

Bulsha:- Xukuumadda ra’iisul wasaare Boris Johnson ee dalka UK ayaa mowqif niyad-jab leh usoo dirtay Somaliland, xilli baarlamanka dalkaas shalay la geeyey dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Britain ee Arrimaha Afrika Vicky Ford ayaa ku dhowaaqday in aqoonsi ay hesho Somaliland uu yahay mid ku xiran dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay tahay inay Somaliland ka wada-hadlaan.

“Doodda ka socota Aqalka Wakiilada waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka joogtada ah ee UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland. Waa arrin u taalla Somaliland iyo dowladda federaalka inay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda,” ayey Vicky Ford ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

“Waxaan sii wadi doonaa in iskaashi kala sameyno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland arrimaha dimqoraadiyadda, ammaanka iyo barwaaqada.” 

Hadalka Vicky Ford ayaa soo xiray dooddii qabsatay baraha bulshada iyo rajadii Somaliland ee ay aheyd in doodda la geeyey baarlamanka UK ay hoggaamin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Warka kasoo baxay Vicky Ford ayaa yimid saacado kadib markii ay wada-hadallo la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kadib kulankaas ku sheegtay “in labada wasiir ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labada Dal.”

“Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.


Dooddan ayaa waxaa baarlamanka geeyey xildhibaan Gavin Williamson, oo horey u ahaa wasiirka difaaca UK, intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment