War deg deg ah: Qarax goordhow ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Bulsha:- Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goordhow ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo laga helayo warar kala duwan.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay halka loo yaqaano Sarifyaraha, isla-markaana uu ka dhashay gaari NOAH ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha, laakiin waxaa uu qaraxa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad fara badan.

Sidoo kale waxaa meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan Booliska degmada Howl-wadaag oo isku geedaamay goobta ay wax ka dhaceen.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana sidoo kale qaraxan uu saameyey dhaq-dhaqaaq qaybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Saraakiisha laamaha ammmaanka weli kama hadlin qaraxan, balse waxaa haatan socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo todobaadyadii lasoo dhaafay  siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.


Si kastaba, amni darrada ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xaaladda kala guurka ah ee uu dalka ku jiro iyo mashquulka doorashooyinka ka socda Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment