Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo soo dhaweeyay go,aankii golaha Wasiirada

Bulsha:-  Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa soo dhoweeyay go’aankii looga noqday ee ONLF looga dhigay argagixisada iyo raali gelinta laga bixiyay falkii Qalbi Dhagax lagu dhiibay ee baal marsanaa Soomaalinimada.

War uu soo saaray ayuu ku sheegay in go,aanka golaha Wasiirada uu yahay mid weyn oo dhaxal gal ah.

Warka Madaxweynaha ayaa Siddaan u qornaa:

Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment