Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda oo Muqdisho lagu dilay

Bulsha:- Sarkaalka oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Dheere ayaa waxaa uu ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday Aaga Xaafada lagu Magacaabo Buulo Axmed Cabdalla oo ka tirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

Is rasaaseynta ayaa dhexmartay Ciidamo gelbinayay Gaari dhinaca degaanka Jasiira ka keenay jaad (Qaad) iyo Ciidamada Booliska oo doonayay in ay gaariga celiyaan si uusan jaadka u soo gelin Magaalada Muqdisho.

Alle u Naxariistee Cabdullaahi Dheere ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmada dharkeenleey, wuxuuna ahaa Taliyaha Booliska Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkeen, isaga oo u geeriyooday dhaawaca kasoo gaaray is rasaaseynta labada dhinac.

Degaanka Jasiira ayaa Xeebteeda waxaa laga soo dejiyaa Jaadka laga keeno dalka Kenya oo dowladda Soomaaliya mamnuucday, waxaana dhowr jeer Aaga Jasiira ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Booliska iyo Ciidamo kale oo doonayay in jaadka soo geliyaan Magaalada Muqdisho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment