Gaadiid qaraxyo damacsan oo soo galay Muqdisho & goobaha la calaamadeeyey

Bulsha:- Fariin qoraal Digniin amni ah ayaa loo diray shaqaalaha Qaramada Midoobeey muddo labo todobaad ah inay yareeyaan socodlka.

Xogtaan oo si hoose loogu diray shaqaalaha UN-ka Ee Xamar kusugan ayaa nuqul ka mid ah ay aragtay Warbaahinta Warqaad waxay udhigneyd Sidaan.

Waxaa idinla wadaageynaa fariin digniin ah dadka ushaqeeya Qaramada Midoobeey ee kusugan caasimada Muqdisho Ee Soomaaliya.

“Dhammaan gacalayaal,waxaan idiin sheegeynaa in aanu helnay macluumaad tilmaamayaan in shan gaari oo nuuca Saarufta ah soo galeen Muqdisho qaraxyo ismiidaamin ahna sameyn karaan labo todobaad gudahood.

Meelaha laga digay in ay qaraxyada ka dhici karaan ayaa kala ah: Hoteel Elite,Koontaroolka Lambar Afar,Hotel SYL,Dorbin Hotel,agagaarka Wadada Dabka,Hoteel Jasiira,Xeebta Liido,Wadada Maka Al Mukarama,Koontaroolka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,Xarumaha laga ilaaliyo Godka Jilicoow,Xarunta Habar Khadiijo & Madaxtooyada,& Koontaroolka Laga ilaaliyo Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

“Jooji booqashada ama inaad tagto xarumaha Dawlada,meelaha ay mas’uuliyiinta joogaan iyo Hoteelada inta ay digniinta maalmaheeda jirto ayaa fariinta lagu yiri”.

Weerarada qaraxyada ayaa dhici kara Taariikhda udhaxeysa 20,21,28 bisha janaury 2022-ka.


Dhammaan muwaadiniinta shaqaalaha ah ee QM katirsan ayaa la faray inay xiriirkooda kordhiyaan,si loo gaarsiiyo wax walbo oo caawimaad ah oo dhib kusoo socda laga bad baadiyo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment