Update:- Magaalada Boosaaso oo wali la isku mari la’yahay iyo xiisada Puntland iyo PSF oo soo cusboonaatay

Bulsha:- Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in wali magaalada Boosaso ay ka tagaan tahay khilaafka u dhaxeeyo PSF iyo maamulka Puntland.

Kulamo ku saabsan xal u helidda PSF iyo xukuumadda ayaa weli ka socda magaalada Boosaaso in kastoo aysan wali waxba kasoo bixin iyadoo ay soo korortay cabsida heysa dadka shacabka ah.

Waxaa Dabayaaqadii sanadkii tagay ka dhacay Boosaaso dagaal socday Saddex cisho oo dad shacab ah ay ku dhinteen iyadoo Boqolaal qofna ay ka barakaceen.

Masuuliyiin xilal kasoo qabtay puntland iyo dowladda dhexe ayaa Boosaaso u jooga in ay colaada xaliyaan, heshiisna kala dhax dhigaan labadda dhinac in kastoo labada dhinac wali heshiis buuxa aysan gaarin.

Guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland madax hore siyaasiyiin iyo wax garadka Puntland ayaa sidoo kale ku sugan Boosaaso, waxaa masuuliyiin katirsan puntland ayaa inoo shegeey in ay wadaan xalinta iyo khilaafka PSF iyo ciidanka Dowlad goboleedka Puntland balse ay sugayaan saciid denni oo muqdisho ugu maqan ka qeeyb galka shirka wadatashiga qaran.

Kulamadaan u dhaxeeyo Isimadda masuuliyiinta puntland iyo PSF ayaabsocda mudda ku dhow laba todobaad haddana weli warbixin lagama siin bulshada islamarkaana lama sheegin natiijo ka soo baxday.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment