Daawo:- Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada-hadlay mustaqbalka Amniga Geeska Africa

Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan la qaatay Wafti ka socda dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo u-qeybsanaha Ciidamada Saafaradda Itoobiya ee Soomaaliya Gen. Tadesse Amelo.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee labada dal, howlgallada AMISOM oo ay Itoobiya qeyb katahay, Qorshaha Kala-guurka Qaranka (STP), iyo mustaqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya dadaalada ay ku bixinayaan ladirirka Aragagixisada iyo nabadeynta guud.

Itoobiya ayaa waxaa ka taagan muddo ka badan sanad, qalalaase siyaasadeed iyo dagaalo, u dhexeeya Xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo jabhadda TPLF, oo muddo ku dhow sano dalkaas ka arriminaysay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment