Guri kuyaala Muqdisho oo lagu beeray Daroogo halis iyo Booliiska oo soo qabtay

Bulsha:- Ciidamada booliiska ayaa howlgal qorsheesan oo ay xalay fuliyeen xaafada Tookyo ee degmada Howlwadaag waxa ay ku heleen guri lagu beeray waxyaabaha maankadooriya gaar ahaan xashiishka nuuca ugu qatarsan ee loo yaqaan Murjawaanaha.

Ciidamada booliiska ayaa guriga ay howlgalka ka sameeyeen sidoo kale kusoo qabtay haaman laga buuxiyay calaqa macmalka iyo waxyaabo kale oo maankadooriya, ciidamada ayaa sidoo kale soo xiray dadkii lahaa waxyaabaha maankadooriya.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa sheegay in ciidamada booliiska fuliyeen howlgalka ay kusoo heleen guriga lagu beeray dhirta laga sameeyo xashiishka nuuca ugu halista badan ee Murjawaanaha.




“Ciidamada ayaa gacan ka helay bulshada deegaanka waxayna taasi suuragalisay in gacanta aan ku soo dhigno waxyaabaha maankadooriya iyo Dhirta Xashiishka oo lagu beeray mid kamid ah dhismayaasha Xaafadda Tookiyo iyo Caagado lagu karkarinayay Maandooriyaha Calaqa” ayuu yiri taliye Najiib Carab.

Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya guryaha lagu sameeyo laguna iibiyo waxyaabaha maankadooriya kaa oo dhibaato badan ku hayay dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana maalmahan socday howlgalo ciidamada amaanka kula dagaalayeen maandooriyaha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment