GURICEEL:- Dagaal u dhexeeya booliska iyo militariga oo ka socda Guriceel

Bulsha:- Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaasi dagaal ka dhacay maanta kaasi oo u dhexeeya laba qaybood oo ka kala tirsan ciidamada Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa dadka degaanku u sheegeen idaacadda VOA inuu u dhexeeyo booliiska degmada Guriceel iyo ciidamada militariga ee Gorgor.

Midka mid ah suxufiyiinta gobolka ayaa u sheegay idaacadda VOA in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay iska horimaadkan.

Magaalada Guriceel ayaa kasoo kabanaysa dagaallo qaraar oo bishii Oktoobar ee sannadkii hadda dhammaaday ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment