Somaliland oo dowladda Federaalka uga digtay inay farageliso Arrimaheeda

Bulsha:- Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland M Muuse Bixii Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha wasiirrada ay fadhigoodii maanta kasoo saareen go’aammo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen madax-bannaanida Somaliland.

Fadhiga golaha wasiirrada Somaliland oo laga soo saaray go’aamo lagu bogaadinayo dooddii todobaadkaan Baarlamaanka UK ka yeesheen qaddiyadda Somaliland,  iyaga oo Xildhibaannada ku bogaadiyay doodaas.

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa digniin culus u diray dawladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay caadaysatay farogelinta qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

“Goluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay, waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda, Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar” ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada Somaliland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment