Saadaq John Rajadiisa Xildhibaanimada & Gen, Indhacade oo xaalkiisa xog laga helay

Bulsha:- Doorashada Golaha shacabka sanadkaan ayaa waxa laga yaabaa in saraakiil ciidan ay xildhibaano kusoo baxaan,marka loo eego hanqal taagooda siyaasiga ah.

25-kii Bishii November sanadkii hore 2021-kii ayaa Gaashaanle sare Yaasiin cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey) waxa loo doortay xildhibaan golaha shacabka ah.

Kursiga uu kusoo baxay sargaalkaasi Nabad sugida katirsan ayaa ahaa midka sumadiisu tahay Hop#067 inkastoo guddiga xalinta khilaafaadka ay hakiyeen sax ahaanshiyaha natiijada kursigaasi hadana dhowr isbuuc kadib waxay soo saareen warsaxaafadeed lagu fasaxay in guusha Yaasiin fareey gaaray tahay mid sharci ah habkii loo doortayna ay aheyd hanaankii loo dejiyey habraaca doorashada.

Sanadkaan doorashada golaha shacabka waxaa iyaguna hami sare leh oo in lasoo saarana ay ubadan tahay saraakiil ciidan kuraasta xildhibaanimo ay raadinayaan.

Kursiga sumadiisu tahay Hop#248 oo doorashadiisa ka dhaceyso Dhuuso mareeb ayaa waxa la hadal hayaa in lasiin doono Saadaq Cumar Xasan (General Saadaq John).

Kursigaasi waxaa hadda ku fadhiya mar kalena inuu tartamo doonaya Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon yare beesha cadaado degta ayaana laga sugayaa cida ay u go’aamiyaan kursigaasi.

Warbaahinta warqaad ma xaqiijin karto in Saadaq John oo dagaalkii Galmudug iyo Al Shabaab wada galeen deegaanada Camaara,Bacaad weyn iyo Wisil madaxweyne qoor qoor ugu abaal gudi karo xildhibaanimada uu doonayo.


Balse xogaha hoose ee la ogaaday ayaa ku waramaya in xiriir hoose oo siyaasadeed ka dhex jiro qoor qoor iyo Saadaq John loona saadaaliyey kursiga hop#248 in lagu soo saaro.

Kursigaasi ayaa ka mid ahaa liiska kuraastii dhawaan guddiga doorashada SEIT Ee Galmudug soo saareen in doorashadiisa la qaban doono,lamana oga cida ku guuleysan doonto General Saadaq John iyo Xildhibaan Abtidoon Yare.

Waxyaabaha kale ee doorashada xiisaha sanadkaan uyeelaya ayaa waxa ka mid ah in murashax General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade isna xildhibaanimo isku soo taagay.

Kursiga Hop#138 uu raadinayo Indhacade waa midka uu ku fadhiyo Ganacsade Saciid Nuur Gariish,hase ahaatee lama sheegin weli cida General Indhacade ku taageereysa inuu guul gaaro.

Akhbaaraad la helay bilo ka hor ayaa sheegaya in beesha iska leh kursigaasi ay Xildhibaanimada sanadkaan siineyso Murashax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame balse weli Mr Shakuur ma uusan ka hadlin wararkaasi la isla dhexmarayey iyo hankaasi haduu ku jiro kursiga golaha shacabka.

Labada General ee xildhibaanimada dooneysa,gaashaanlaha guuleystay marka lagu daro iyo kuwo kale oo laga yaabo in dib kasoo baxaan kuraas ay raadinayaan awgeed ayaan la ogeyn waxay kusoo kordhin doonto Baarlamaanka 11-aad Ee Soomaaliya oo doorashadiisa muddo badan hakad gashay is qab qabsiyo jiray awgeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment