Al-Shabaab oo soo bandhigay Askar ay sheegeen inay isku soo dhiibeen

Bulsha:- Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa degaanka Buula-fuulaay ee Gobolka Baay waxaa ay kusoo bandhigeen laba Askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya balse ay isku dhiibeen Al-Sbabaab.

labada Askari ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Maxamed Cabdiraxmaan oo muddo 7 Bilood ah ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee ka howlgalla degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay iyo Madeey Gaduudow Mursal oo muddo 8 Sano ah ka tirsanaa Ciidanka dowladda kana howlgeli jiray Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay labada Askari oo sheegaya in mushaar la’aan iyo dhibaatooyin kala duwan oo beystay aawgeed ay uga soo tageen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay ka tirsanaayeen.

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaan weli ka hadlin ragga ay soi bandhigeen Al-Sbabaab oo ay sheegeen i ay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda, balse isku soo dhiibeen, hayeeshee waxaa jiray maalmihii la soo dhaafay in dhowr Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab i ay isku soo dhiibeen Ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment