Sawirro:- Ciidamo katirsan Daraawiishta Galmudug oo Dhoolotus soo bandhigay

Bulsha:-  Ciidamo katirsan daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaa loogu soo xiray tababar bilooyin halkaasi uga socday.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid oo safar howleed ku jooga Degmada Caabudwaaq ayaa tababarka usoo xiray cutubkan cusub ee kamid noqonaya ciidamada daraawiishta Galmudug.

Ciidamada galabta tababarka loo soo xiray ayaana xarunta madaxtooyada Galmudug ee kutaala Caabudwaaq kusoo bandhigay dhoolotus ay la dhaceen masuuliyiintii iyo dadkii kale ee goobtaasi ku sugnaa.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kula dardaarmay ciidamada daraawiishta ee tababarka loo soo xiray in ay noqdaan kuwa daacad ah oo u adeega dadka iyo dalka , isagoona uga digay in qabiil noqdaan ama dadkooda dhibaateeyaan.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment