Madaxweyne Biixi oo u dhoofay Adis Ababa kadib marti-qaad uu Abiy ka helay

Bulsha:-  Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.
 
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayuu safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah oo shaqo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana magaalada Addis Ababa kaga biiraya wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa safarka madaxweynaha, kuwaas oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga iyo masuuliyiin kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment