Diyaarado Drone ah oo lagu duqeeyey maanta Caasimada Imaaraat-ka ee Abu Dhabi

Bulsha:- Ugu yaraan saddex ruux ayaa dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii saddex booyad oo shidaal wada ay ku qarxeen magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta, sida uu shaaciyay telefishinka Al Jazeera.

Waxaa laga shakisan yahay in qaraxyada ay ka dhasheen weerar loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Falkan ayaa daba socday hadal kasoo baxay Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay in ay howlgal ka sameynayaan “xuddunta hoose” ee Imaaraadka Carabta.

Taliska booliska Abu Dhabi ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in saddex booyad oo nooca shidaalka daabula ah ay ku qarxeen agagaarka warshadda Musaffah oo u dhow xarumaha shidaalka lagu keydiyo ee shirkadda ADNOC.


Saraakiisha ayaa intaas ku daray in sidoo kale uu dab ka kacay meel dhisme ka socday oo ku taalla garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Abu Dhabi.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment