Nabad & Nolol oo ku eedeysay Imaaraat-ka shirqoolo ay ka maleegeyso Muqdisho

Bulsha:- Nabad iyo nolol ayaa waxay xubno kamid ah ku eedeeyeen Dawlada Iskutaga imaaraat-ka carabta ay ka wado Muqdisho shirqoolo lasoo abaabulay.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa waxa uu qoraal gabal dhicii uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu si maldahan ugu weeraray Dawlada Imaaraat-ka Carabta.



Cali yare inkastoo uusan magac dhabin imaaraat-ka hadana waxaa la fahmi karay qaabka uu qoraalka udhigay kuna sheegay tan iyo markii R/W Rooble sheegay in xiriirkoodii dib loo hagaajiyey Soomaaliya la lahaayeen qaraxyadu soo kordheen,waa sida gudoomiye cali yare sheegay.

Dadka siyaasada odorosa waxay ku tilmaameen hadalkaasi Cali Yare mid lagu daboolayey tuhuno soo galay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo maadaama la sheegay in Macalimuu qaraxii lagu weeraray maanta barqadii in halkaasi laga soo abaabulay.

Dawlada Qatar oo saaxiib la ah Fahad Yaasiin iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu xantaa in Al Shabaab xubno ka ag dhaw ay xiriir hoose leeyihiin waloow cadeymo la og yahay jirin.


Is eegashada labada Xafiis ee R/wasaare Rooble iyo Kan Madaxweyne Farmaajo ayaa laga cabsi qabaa in mas’uuliyiin iyo saraakiil naftooda ku waayaan inta kala shakigaasi taagan yahay.

Al shabaab ayaa dhanka kale waxaa la sheegay in loo fududeeyo qaraxyada ay ka fuliyaan Muqdisho oo saraakiil katirsan laamaha amniga ay wada shaqeyn dhaw leeyihiin inkastoo ay jirin shakhsiyaad la og yahay.

Nabad iyo nolol ayaa waxay dooneysaa inay mar kale xukunka kusoo celiso Madaxweyne farmaajo iyadoo la ogeyn dagaal siyaasadeedka jira halka uu ku biyo shuban doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment