Baarlamaanka UK oo Maanta bilaabay ka doodista madax banaannida Somaliland

Bulsha:- Kulan ay ku yeesheen Magaalada london Baarlamaanka UK ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay bilaabeen in muddo kooban ay dhegaystaan dood ku saabsan madaxbanaannida Somaliland oo uu usoo gudbiyay xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Magaalada Staffordshire

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalinta ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baarlamaanka Uk.

Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December sanadkii 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoonsan yihiin madax bannaanida Somaliland, walow taasi aysan wax badan soo kordhin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment