Rooble oo Isbitaalka ku booqday dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax shalay Al-Shabaab la beegsadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda, kuwaas oo u sheegay in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo lala beegsaday Goobo uu ku sugnaa, balse qaraxaan uu ahaa mid isaga ai toos ah loola beegsaday.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment