Al-Shabaab oo gudaha u gashay KENYA, kadibna dishay dhowr qof

Bulsha:- Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay weerar ka geysteen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, gaar ahaan deegaan u dhow xadka ay wadaagaaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Banisa oo hoostaga magaalada Mandera, waxayna halkaas ku dileen dhowr qof.

Sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah waxaa weerarkan lagu khaarijiyey ugu yaraan laba qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay dagaalyahanada weerarka qaaday ugu tageen guryahooda, kadibna ay ku dileen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo la xiriira weerarkaas khasaaraha dhaliyey.

Kenya muddooyinkii lasoo dhaafay waxay kordhisay ciidamada ku sugan xadka labada dal, haddana weerarada ayaa ah kuwa sii socda.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab ay xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha waddanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment