Al-Shabaab oo weerar dad lagu dilay markale ka geystay duleedka Mandheera

Bulsha:- Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay markale weerar ka geysteen degaan hoistaga Magaaalada Mandheera ee Gobolk Waqoohi Bari kenya, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Banisa ee dhaca waqooyiga Mandheera, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay weerarkaas laba Ruux halka hal ruux oo kale lagu dhaawacay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in mar qura ay ka warheleen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay deegaanka Banisa ee dhaca waqooyiga Mandheera, waxaana dadka weerarkaagu dilay loogu tegay Guryahooda.


laamaha Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaan weli ka hdlin weerarkaas, waxaase xusid mudan in todobaadyadii la soo dhaafay ay kordheyn weerarada Al-Shabaa  ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment