Janeraal Xuud oo ku dhawaaqay wada-hadal uu la galayo Dowladda Soomaaliya

Bulsha:- Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeda ha ka loo maray Dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle ee uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo dowladda Soomaaliya.

Janeraalka oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiin Maanta Beledweyne kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka lugta Janeraal Biixi ayaa sheegay in Jaeraalka sababta uu u yimid ay tahay sidii xal looga gaari lahaa waxa ay ka cabanayaan dadka Reer Hiiraan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay ka wada hadli doonaan sidii lagu heli lahaa xaqa ka maqan Reer Hiiraan iyo wadadii loo mari lahaa taasina ay tusayaan habkii loo mari lahaa Taliyaha Ciifanka dhulka ee xoogga dalka Janeraal Biixi.

Ugu dambeyn Janeraal Abuukar Warsame Xuud wuxuu sheegay in mas’uuliyiintii ay kala aragti duwanaayeen sida Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay hadda heshiis ku yihiin in la wada helo xaqa ka maqan Bulshada kunool Gobolka Hiiraan.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ah taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa dhankiisa sheegay inay muhiim tahay in la helo xaquuqda ka maqan dadka Reer Hiiraan laguna raadin doono wadda sax ah, isaga oo Alle ka baryay in uu u fududeeyo.

Waxaa uu Bulshada Reer Beledweyne iyo kuwa dalka dibadiisa jira uu u sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya la qaatay Nabadda loogana baahan yahay in lagala Shaqeeyo.


Kulanka soo dhaweynta ah ee Janeraal Biixi ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliyaha weybta 27aad Janeraal Tareedisho iyo mas’uuliyiin kale.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment