Midowga Afrika oo farriin u diray madaxda Soomaalida, shaaciyayna mowqifkiisa

Bulsha:-  Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay habraacii dhawaan lagu soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo meesha ka saarayay mad-madowgii ku gadaamna doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii 9-kii January, wuxuuna ku dhiirri-galiyay Golaha Wadatashiga in la soo gaba-gabeeyo doorashooyinka Golaha Hoose, si daah-furan ugu dambayn 25-ka Febraayo.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in sidoo kale la ixtiraamo heshiisyada 17ka Sebtember 2020, May 27 2021 iyo habraaca doorashada 01 Oktoobar 2020 iyo Ogosto 24, 2021.

“Waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-xaajood siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed,” ayuu yiri Moussa Faki.

Moussa ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in mowqifka Midowga Afrika uu yahay doorasho lagu kalsoonaan karo, taasi oo tallaabo muhiima u ah nabad waarta oo ka dhalata gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay sare u qaadida taageerada dadaalada ka socda dalka.

Midowga Afrika ayaa marar kala duwan ka hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya, wuxuuna markastaa ku booriyaa madaxda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida dalka.

Si kastaba, Golaha Wadatashiga ayaa dhawaan go’aamiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho oo ka bilaabanaysa maalinta berri ah oo ku taariikheysan 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment