Dad lagu eedeeyay cunista hilibka dadka oo la xiray

Bulsha:- Booliska gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen “cunista hilibka bani’aadamka” iyo ka ganacsigiisa.

Dhacdadan naadirka ah ayaa taliyaha booliska ee gobolka Ayuba Elkanah wuxuu ku sheegay in tuhmanayaasha la soo qabtay kaddib markii ay baarayaashu heleen meydka qaar ka mid ah dad la’laa oo qaybo ka mid ah jirkooda laga saaray.

Eedeysanayaasha oo ay ku jiraan labo nin iyo labo wiil ayaa la xiray todobaadkii hore, sida uu sheegay Taliyaha Booliska, waxaana sidoo kale la baadi goobayaa rag kale.

Taliyaha booliisku wuxuu sheegay in ilaa hadda baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in lacag dhan Shan boqol (oo u dhiganta $1,207) ay ku iibin jireen xubnaha bini’aadamka.

Ku lug lahaanshaha iibinta xubnaha bani’aadamka iyo cunista hilibka maaha wax ku cusub gobolka Zamfara. Balse waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan falalka la xirriira afduubka si ay madax-furasho uga qaataan dadka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment