Iran iyo Shiinaha oo bilaabay hirgelinta heshiis iskaashi istiraatiiji ah oo soconaya 25 sano

Bulsha:- Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa sheegay in heshiis iskaashi istiraatijiyadeed oo 25 sano ah oo ay Shiinaha la saxiixdeen bishii March ee sannadkii hore uu dhaqan galay, taasoo qayb ka ahayd natiijadii booqashadii muhiimka ahayd ee uu ku tagay Shiinaha oo uu ku casuumay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.

“Waxaan ku heshiinnay inaan maanta ku dhawaaqno inay tahay taariikhda la bilaabayo hirgelinta heshiiska dhameystiran ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Iran iyo Shiinaha”ayuu yiri Amir-Abdollahian.

Iran iyo Shiinaha ayaa bishii March ee sannadkii hore kala saxeexday heshiis iskaashi oo istaraatiijiyadeed oo dhammaystiran oo soconaya 25 sano, iyagoo oo ka soo horjeeda cunaqabataynta halka dhinac ee Maraykanka si loo xoojiyo isbahaysiga dhaqaale iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah.

Heshiiska ayaa si rasmi ah u diiwaan gelinaya Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Dhamaystiran ee Shiinaha iyo Iiraan kaas oo lagu dhawaaqay booqashadii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si kor loogu qaado iskaashiga dhaqaale ee labada dal 25-ka sano ee soo socota.

Wuxuu u u gogol xaarayaa ka qaybgalka Iran ee Hindisaha Belt and Road Initiative. , mashruuc kaabayaal dhaqaale oo baaxad leh oo ka bilaabmaya Bariga Aasiya ilaa Yurub.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment