Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqday go’aan uga sii darayo xiisadda kala dhexeyso Rooble

Bulsha:- Maamulka gobolka Banaadir oo haatan xiisad ay kala dhexeyso xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, gaar ahaan wasaaradda amniga ayaa ku dhowaaqay go’aan kale oo uga sii dari karo xiisadda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa si cad u sheegay in maamulka gobolka cid aan aheyn hadda kadib lagala tacaamuli doonin arrimaha magaalada Muqdisho gaar ahaan amniga.

Cali Yare oo si dadban weerar ugu qaaday xuukuumadda ayaa tilmaamay in inta lagu jiro doorashada uu gobolka Banaadir uu madax bannaan yahay taladiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“In inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa oo aanay jirin qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Cali Yare Cali

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobollada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha wasaaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee dib loogu dhigay dibad-baxii ka dhanka ahaa isku daygii Afgembi ee Farmaajo, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay tahay sababta uu diidayeen amniga caasimada dartiis.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii u dmabeeyey ay hadallo kulul warbaahinta isku marinayeen madaxda gobolka Banaadir iyo wasaaradda amniga oo horay u shaacisay inay iyadu fasaxday dibad-baxa nabeed ee haatan dib loo dhigay.


Si kastaba, haddii uu sii socda dagaalkan siyaasadeed ayaa saameyn kara amniga caasimada iyo wada-shaqeynta xukuumadda & gobolka oo ku xiran Villa Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment