Mareykanka oo shaaciyey inay korortay halista Al-Shabaab + sababta

Bulsha:- Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, Genaral Stephen Townsend oo wareysi dheer siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in bilihii u dmabeeyey ay sii korortay halisTa Al-Shabaab, kadib markii laga gaabiyey howl-galladii socday.

“Halista Al-Shabaab waxa ay korortay 8-dii illaa 12-kii bil, maamulkii hore waxa uu nagu sameeyay in aan Soomaaliya ka qaadno ciidankeena, weli waxaa inoo taallo shaqadii aan heynay, sababta keentay halistaas waa jiritaan la’aanta culeys la saarayay Al-Shabaab,” ayuu yiri Stephen Townsend.

Sidoo kale wuxuu sababta ka dambeysa kororka ku yimid halista Al-Shabaab ku sheegay saddex arrimood oo kala ah:- Gaabis weyn oo ku yimid howl-galka AMISOM, saameynta cudurka Covid-19 & khilaafka ka dhashay muddo xileedka dhammaaday ee Madaxweynaha.

“Dhaq-dhaqaaq la’aanta AMISOM, Saameynta Covid-19 iyo khilaafka ka dhashay muddo xileedka dhammaaday ee Madaxweynaha Soomaaliya waxa aan filayaa in ay tahay  halista kordhisay weerarada Al-Shabaab,” ayuu markale ku yiri wareysigan Taliyaha AFRICOM.

Genaral Stephen Townsend ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qaraxyadii u dambeeyey ee ay geysatay Al-Shabaab, isaga intaasi ku daraya inay sii kordhi karaan weerarada kooxda.

“Waxa aan dareen ka qabnaa in ay kordhi karaan weerarada maadaama ay geysteen qaraxyo” ayuu hadalkiisa sii raaciya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay weeraro is-miidaamin ah oo dhaliyey khasaarooyin kala duwan ay ka dhaceen gudaha caasimadda, kuwaas oo kusoo aaday, xilli adag oo ay Soomaaliya ku jirto xaalad kala guur ah iyo doorashooyin.


Si kastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaa ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment