KENYA oo war cusub kasoo saartay aqoonsiga Somaliland

Bulsha:- Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya usoo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya. Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeeray farogelinta shisheeye.

Waxay wasiirka sheegtay in Kenya ay rumeysan tahay awoodda ay Itoobiya u leedahay inay is faham gaaraan, isla markaana inkastoo ay waqti qaadaneyso, haddana siyaasiyiinta xabsiga laga soo daayay ay muujineyso in xoogaa horumar ah la gaaray.

Waxay intaas ku dartay in Kenya ay Itoobiya kala hadleysay baahid aloo qabo wada xaajood qaran, xabbad-joojin iyo in dadka la gaarsiiyo gargaar bani’adaannimo.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Soomaaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka hor keenay mooshinka ka doodidda aqoonsiga Soomliland.

Gavin ayaa waxaa uu baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, isaga oo arrimo badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Bishii December ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed madaxbannaanida ugu Dhawaaqday ee Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan.

Booqashada Muuse Biixi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xiriirka Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

29-kii bishii la soo dhaafay ee November ee isla sanadkaas, war qoraal ahaa oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyay Nairobi looga yeeray Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray in uu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dowladdiisa.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.


Somaliland ayaa 30 sano ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aysan helin aqoonsi caalami ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment