AL-SHABAAB oo noqotay kooxda ugu taajirsan ee ku xiran shabakada Al-Qaacida

Bulsha:- Jeneraal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tahay kooxda ugu taajirsan unugyada ku xiran shabakadda Al-Qacida ee dunida ka howl-gala.

“Al-Shabaab waa ciidanka ugu ballaaran, ugu taajiirsan uguna firfircoon ee Al-Qacida ay ku leedahay dunida, waxayna halis ku yihiin Mareykanka iyo shacabka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Jeneral Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Afrika (AFRICOM), oo wareysi siiyey VOA. 

Jeneral Townsend ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in halista Al-Shabaab ay sii korortay sideeddii illaa 12-kii bilood ee ugu dambeeyey, ayna ugu wacan tahay ciidankii Mareykanka ee ka baxay Soomaaliya iyo cudurka COVID-19.

“Waxaan u maleynayaa in halistaas ay sii kordheyso sababo la xiriira cadaadiskii ka hortagga argagixisanimo oo aan jirin sanadkii tegay, iyo firfircooni la’aanta ciidamada Amisom. Sabab kalena waa COVID-19,” ayuu yiri Townsend.

“Hoggaankooda waxay dagaal-yahanooda culeys ku saaraan inay dadka Mareykanka ku weeraraan meel kasta oo ay ku arkaan, marka waa inaan taas si dhab ah u qaadanaa.”

Jeneral Townsend ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, loolanka doorashada iyo shaqada liidata ee dowladda federaalka ay sidoo kale caawisay Al-Shabaab.

“Waxaan ka walaacsanahay inuu jiri doono weerar weyn oo Al-Shabaab ay fuliso. Waxaan hada aragnaa weeraro is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacayey labadii toddobaad ee tegay. Marka waxaan dareemayaa inay sii ballaaranayaan oo ay sii korayaan,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM.

Hadalka Townsend ee la xiriira in Al-Shabaab ay hadda tahay kooxda ugu taajirsan kooxaha ku xiran Al-Qacida ayaan la-yaab laheyn marka loo eego heerka uu la egyahay dhaqaalaha kasoo gala Soomaaliya.

Qyaas ay sameysay dowladda Mareykanka, oo uu helay wargeyska New York Times bishii October 2021, ayaa muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.




Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagaha kale ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa wargeyska New York Times u sheegay in Al-Shabaab ay konteenar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qaado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn.

Sarkaalka ayaa sidoo kale la wadaagay New York Times rasiit ay ku qoran tahay 250-dollar oo Al-Shabaab ay siisay muwaadin degan Muqdisho oo iibiiyey dhul uu lahaa, kaasi oo canshuur ay ka qaaday kooxda.

Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.

Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo ay Caasimada Online ku noqotay kadib warbixintan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha.

Tani waxa uu macnaheedu yahay in Al-Shabaab ay soo xareyso dakhli ku dhow laba meelood meel guud ahaan dakhliga dowladda federaalka Soomaaliya, iyo 65% dakhliga canshuurta ee dowladda federaalka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment