DAAWO: Puntland “Galmudug waxaa laga rabaa inay soo qabato Raggii Gaalkacyo ku dilay saraakiisha Puntland”

Bulsha:- Guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inuu soo qabto raggii ka dambeeyay dil koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo sarkaal oo kamid ah ciidammada Puntland.

Guddoomiye Sanyare oo saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo, ayaa sheegay in dilalkii ka dhacay habeenkii khamiista magaalada Gaalkacyo ay aheyd nasiib darro aad u weyn, ayna ka go’an tahay maamulada gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug in lasoo afjaro kuwii ka dambeeyay.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay dhankeeda soo qabatay koox dil kasoo geystay koonfurta Gaalkacyo, kana soo jeeda Waqooyi Gaalkacyo, sidaas si lamid ahna looga baahan yahay Galmudug inay soo qabato, isagoo intaas ku daray in la maxkamadeyn doono.




Dadka magaalada Gaalkacyo, ayuu ugu baaqay Guddoomiyaha gobalka Mudug in laga digtoonaado falalka amniga wax u dhimaya ee ay soo maleegayaan Argagixisadu, ayna la shaqeeyaan maamulada labada dhinac.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment