Booliiska Mareykanka oo shaaciyay Muuqaal la xiriira dilkii Sheekh Maxamed Xassan

Bulsha:- Imaamka masaajidka Abuu Hureyra ee kuyaala Columbus ee dalka Mareykanka Sheekh Maxamed Xasan Aadan, oo dabayaaqadii bishii December meydkiisa laga dhax helay gaari, kadib markii dhoor xabadood lagu dhuftay.

Booliiska dalka Mareykanka ayaana bilaabay baaritaano la xiriira dilka Sheekh Maxamed Xassan iyo cidda ka dambeesay, mana jiro ilaa hada cid booliiska usoo xireen kiiska dilka ee loo geestay Wadaadkan Soomaaliyeed.

Taliska booliska Columbus ee dalka Mareykanka ayaa shaaciyay muuqaal kooban oo la xirriira dilkii Sheekh Maxamed Xassan Aadan, waxaana muuqaalka ka muuqda gaari jaalle ah oo magaalada socda, kaa laga dhax helay meydka Sheekh Maxamed.




Booliska ayaa ka codsaday in qofkasta oo haya macluumaad ku saabsan qofka waday gaariga jaallaha ah ee ka muuqda muuqaalka ay boolisku shaaciyeen uu la xirriiro booliska si loo soo qabto gacan ku dhiiglayaasha.

Dilka loo geestay Ilaah ha u naxariistee Maxamed Xassan Aadan, oo ahaa imaam Masaajid iyo sidoo kale Xoghayaha Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ayaa cabsi badan ku beeray Soomaalida kunool dalkaasi ,kuwaa oo isweediinaya cida wadaadkan beegsatay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment