Daawo: Beesha Habar-gidir oo jawaab ka bixisay weerarkii lagu qaaday Rooble

Bulsha:- Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Hoggaaminta Beelaha Habargidir Cabdullaahi Cabdulle Wehliye ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray qaar kamid ah siyaasiyiinta Gobolada Woqooyi ee ay ku weerareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdullaahi ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Boqo Buurmadow, Prof. Cabdi Ismaacii Samatar iyo siyaasiyiinta kale uu yahay gaf iyo meel ka dhac.

“Hadalkii kasoo yeeray siyaasiyiinta uu hoggaaminayey Boqor Buurmadow ee ahaa inay cabasho ka yihiin Rooble oo ay dacwad ugu tageen Beesha Habargidir, hadalkaas waa meel ka dhac nama qabato cid noo timaaday ma jirto,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu yahay nin Soomaaliyeed, balse wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Habargidir, wuxuuna tilmaamay in Habargidir ay leedahay gole ay dhisatay.

“Sidaad ka war qabtaan Habargidir waxay dhisatay gole loo dhan yahay, anigaa guddoomiye ku xigeen ka ah, guddoomiyihii wuu xanuusan yahay ma jirto cid dacwad noo keentay oo ka socota Gobollada Woqooyi ama Beesha Dir, boqorka ayaa been sheegayo aniga ma lihi, laakiin hadalkaas annaga nama soo gaarin,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi ayaa meesha ka saaray in Beesha Habargidir ay ka suurta geli karto inay meel iska dhigto dacwad ay usoo gudbiyaan Beelaha Reer Woqooyiga.

“Walaalaheen reer Woqooyi Galbeed waxaa nahay dad walaalo ah, waxaan nahay dad halgan soo wada galay, waxaan nahay dad wax badan ka dhaxeeyaan, waa dad aan xushmad u heyno  uma quurno inaan been ka sheegno,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.


Ugu dambeyntii gudoomiye ku xigeenka ayaa musiibo ku dhacday dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay inay maanta goobjoog ka yihiin Boqor Buurmadow, Prof. Cabdi Ismaaciil iyo guddoomiyihii Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo been sheegaya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment