Daawo: Hooyada dhashay Ikraan tahliil oo go’aan culus qaadatay kuna baaqday in Fahad Yaasiin uu Beledweyne iman karin

Bulsha:- Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadashay safar la qorsheenayo inuu Beledweyne ku tago agaasimihii hore ee Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaajir Daahir.

Hooyo Qaali ayaa sheegtay in Fahad Yaasiin uusan imaan karin magaalada Beledweyne si uu u helo xil uu ku dhuunti sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa Beledweyne usoo socdo Fahad Yaasiin oo doonayo inuu helo xil uu ku dhuunto ma imaan karo, dalka wuxuu ku dhisan yahay 4.5, aniga iyo Gabadheedana waxaan kasoo jeednaa laba beel oo ah kuwa ugu weyn ee daga Hiiraan,” ayey tiri.

Hooyo Guhaad ayaa Beesha Gaaljecel oo ay gabadheeda ka dhalatay ugu baaqday inaysan aqbalin inuu Fahad Yaasiin hal habeen ku hoydo Beledweyn.

“Gabadheeda waxay kasoo jeedaa Beesha weyn ee Gaaljecel oo ah Beesha haddii Geel laga dhacdo uusan hal habeen mooro kale ku hoyan, sidee u aqbali karaan in Fahad Yaasiin oo gabadhooda ay ku maqantahay inuu yimaado Beledweyne,” ayey sii raacisay.

Waxay sii raacisay “Anigana waxaan ka dhashay Beesha Xawaadle oo ah Beel uusan cadowgeeda waligiis ilibin ka qaadan, mana aqbalayaan inuu Fahad yimaado Beledweyne.”

Hadalka hooyo Qaali ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada 25 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka, waxaana Kuraasta lagu qabanayo kamid ah midka uu u tartamayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa muddo dhowr bil ah lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA, taasi oo iyadana sheegtay inay afduubatay oo dishay Kooxda Al-Shabaab.

Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment