Mareykanka oo codsaday in Golaha Ammaanka uu ka hadlo xiisadda Ukraine

Bulsha:- Mareykanka ayaa codsaday kulan furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay looga hadlayo xiisadda ka taagan Ukraine, saacado ka dib markii Ruushku uu sheegay inay jirto rajo ah” laakiin wadahadalka ayaa weli suurtagal ah iyada oo ay jiraan xiisado taagan.

Ergeyga Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in maamulka Biden uu doonayo inuu ka hadlo dabeecada halista ah ee Ruushka ee ku wajahan Ukraine.

“Ruushka wuxuu ku hawlan yahay falal kale oo xasilooni darro ah oo lagu beegsanayo Ukraine, taasoo khatar cad ku ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay,” ayay tiri.

“Tani ma ahan daqiiqad la sugo oo la arko, fiiro gaar ah oo golaha ayaa hadda loo baahan yahay, waxaana rajeyneynaa inaan si toos ah oo ujeedo leh uga doodno Isniinta.”ayay sii raacisay.

Xiriirka Ruushka iyo reer galbeedka ayaa xumaaday, kadib markii Moscow ay tobanaan kun oo askari geysay xadka ay la wadaagto Ukraine.


Kremlin-ka ayaa diiday in ay qorshayneyso in ay weerarto balse bishii hore waxa ay dalbatay dammaanad qaadyo amni oo ballaaran, oo ay ku jirto in Ukraine aan marnaba loo oggolaan in ay ku biirto isbahaysiga milatari ee uu Maraykanku hoggaamiyo ee NATO.

Sidii la filayey, Maraykanka iyo xulafada reer galbeedka ayaa Arbacadii si adag u diiday wax tanaasulaad ah oo ku saabsan qodobbada ugu muhiimsan ee Moscow, iyaga oo sheegay in xulafada la geeyo ciidamada iyo qalabka militariga ee Bariga Yurub ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin.

Indhaha oo dhami waxay hadda ku sii jeedaan Madaxweyne Vladimir Putin, kaas oo go’aamin doona sida Ruushku uga jawaabi doono iyada oo laga cabsi qabo in Yurub mar kale la geliyo dagaal.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment