Lix Ruux oo Ku Geeriyootay Shil Gaari oo Ka Dhacay Duleedka Garoowe

Bulsha:-  Wararka aan ka helayno magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan inuu shil gaari oo ka dhacay duleedka maagalada.

Shilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Libaax oo u dhaxeeya magaalooyinka Garowe iyo Qardho, Shir gaari ayaa dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday gaari xamuul ah kaas oo siday shixnado ganacsi, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay lix ruux, halka dhaawac uu kasoo gaaray laba ruux oo kale, kuwaas oo loosoo isbitaalka Garowe.


Wadada xiriirisa Garowe iyo qardho ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilala gaari , kuwaas oo sababa khasaare kala duwan oo soo gaara dadka ku safraya mwadada xiriirisa labadaan magaalo ee ganacsiga isu maro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment