Ciidanka dowlada oo gacanta ku dhigay Waxyaabaha qarxa oo la diyaariyay (Sawirro)

Bulsha:- Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaano hoostaga magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel waxa ay kusoo qabteen miinooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa oo la galiyay hareeraha wadooyinka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada intii ay howlgalka ku jireen ugu suurto gashay in ay soo saaraan miinooyin dhoor ah oo Al Shabaab ku aaseen wadooyinka si ay waxyeelo ugu geestaan.

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo ciidamada kawadeen deegaano katirsan gobolka Galgaduud ku dileen xubno katirsan Al Shabaab sidoo kale ku fashiyeen qaraxyo iyo weeraro ay kooxdaasi diyaariyeen.


Al Shabaab ayaa weeraro ka geesata deegaano hoostaga degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, waxa ayna Al Shabaab sidoo kale marar badan qaraxyo hareeraha wadooyinka lagu aasay la beegsadeen ciidamo katirsan kuwa dowlada iyo Galmudug.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment