General Saadaq John oo berri xildhibaan noqonaya Yaase Malxiis looga dhigay?

Bulsha:- Guddiga Doorashada heer dawlad gobolleed SEIT Ee Galmudug ayaa maanta waxay shahaadada murashaxnimo gudoonsiiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada kuraas jadwalkooda la shaaciyey.

Shakhsiyaadka maanta shahaadada lasiiyey waxaa ka mid ah Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir general saadaq cumar xasan (Saadaq John).

Generalka waxaa loo xiray kurisga Hop#248 oo hore ugu fadhiyey Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon balse waxaa kursigaasi la sheegay in Saadaq John loo ballan qaaday.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada heer dawlad gobolleed SEIT Ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa sheegay in doorashada berri la qaban doono Afar kursi ergadana ugu baaqay in saacada la ballamiyey soo xaadiraan.

xubno sar sare oo katirsan Team waaya arag ayaa garab istaag umuujiyey General Saadaq John oo kursiga loo wado in loo soo saaro.

Doorashada berri kursiga sumadiisu tahay Hop#248 waxaa Saadaq john la tartami doona c/llaahi xersi diirshe oo malxiis ah sida aan ogaanay.


Saadaq John ayaa heysta kalsooni badan oo ku aadan in lasiiyo kursiga uu doonayo,waxaana berri sidoo kale la dooran doonaa kursigii uu ku fadhiyey Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo maalmo ka hor ka tanaasulay inuu tartami doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment