Dowlada oo Ciidamo badan geeneysa Baladweyne iyo Ujeedka ka dambeeya oo la ogaaday

Bulsha:- Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowlada federaalka wado qorshe ciidamo gaar ah ku geeneyso magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas uu ka jiro kacdoon looga soo horjeedo maamulka Hirshabelle.

Ciidamada dowlada geeneyso Baladweyne ayaa isugu jira Haramcad iyo Gor Gor, waxaana ciidamadan la doonayaa in ay xasiliyaan ammaanka magaalada Baladweyne si halkaasi u tago Madaxweynaha Hirshabelle sidoo kale loogu qabto doorashada gollaha shacabka.

Magaalada Baladweyne waxaa hada ku sugan ciidamo maleeshiyaad ah oo kasoo horjeeda in magaaladaasi yimaado Madaxweynaha maamulka Hirshabelle , waxa ayna ku hanjabeen in ay dagaalamayaan hadii Cali Guudlaawe cagta soo saaro Baladweyne.

Dowlada federaalka oo heshiis hoose la gashay Jeneraal Abuukar Xuud ayaa qorsheesay in magaalada Baladweyne tago Madaxweynaha Hirshabelle, hasa ahaatee waxaa magaalada soo galay ciidamo kale oo Cali Guudlaawe diidan.

Magaalada Baladweyne ayaa hada waxaa ka taagan xiisad laga cabsi qabo in dagaal isku bedesho, dadka magaaladaasi kunool qaar badan oo kamid ah ayaana diidan maamulka Hirshabelle uu hogaamiyo Cali Guudlaawe.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment